Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb Galay Bandhiga Buugga Laga Qoray Sooyaalka Taariikhda Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland, Md. Axmed Maxamed Silaanyo.+Sawiro

0
362

Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Buug laga qoray Taariikhda Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo uu qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamida Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Badiba Haldoorka iyo Waxgaradka Somaliland, Masuuliyiintii Xilalka kasoo qabtay Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xukuumada haddaka tirsan oo ugu horeeyey madaxweyne ku xigeenku, sidoo kalena waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, qaar kamida Mujaahitiintii SNM, Dhalinyaro iyo Haween aad u tiro badan.

Guud ahaanba Haldoorkii iyo Madaxdii madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana midkastaaba ka sheekeeyey Dhacdooyin iyo Maraaxil kala duwan kuwaasi oo la xidhiidha waayihii Halganka SNM, wakhtiyadii Mucaaridnimada iyo intii uu Xukunka Somaliland hayeyba.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu ugu danbayntii munaasibadaasi oo xidhay ayaa dhankiisa soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, xiligii ay isbarteen iyo mudadii ay soo wada shaqeeyeen waayihii iyo duruufihii ay soo wada mareen, waxaana uu Xusay Madaxweyne ku xigeenku in Axmed Maxamed Siilaanyo ahaa Hogaamiye wanaagsan oo hal adayg leh taariikh wanaagsana laga dhaxlay, dhanka kale wuxuu sheegay inay meelo badan isaga eegyihiin sida Hooyooyinkood oo isku magac ah iyo taariikho kala duwan oo kale.

Image may contain: one or more people and suit

Image may contain: 1 person, smiling, on stage, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people sittingImage may contain: 8 people, suitImage may contain: 7 people, suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 9 people, people smiling, people sittingImage may contain: 13 people, people smiling, crowdImage may contain: 11 people, people standing and suitImage may contain: 10 people, people standing, wedding and indoorImage may contain: 11 people, people standing, suit, wedding and indoorImage may contain: 1 person, on stageImage may contain: 15 people, people sitting and crowdImage may contain: 15 people, people standing, crowd and indoorImage may contain: 16 people, people standingImage may contain: 15 peopleImage may contain: 14 peopleImage may contain: 11 people, suitImage may contain: 5 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, smiling, suitImage may contain: one or more people, people standing, suit and beardImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 7 people, wedding, crowd and indoorImage may contain: 1 person, standing and beardImage may contain: 8 people, people smiling, crowdImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, on stage and standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beard and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, beard and suitImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, hatImage may contain: one or more people, people on stage and beardImage may contain: one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here