Mudane Guurtidda ka Tirsan oo Saddexda Xisbi Ugu Baaqay Inay Isu-tanaasula’aan

0
386

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa xisbiyada siyaasada ugu baaqay in ay iska daayaan hadalada aan dhagaha bulshadu jecleysan ee ay warbaahinta isu marinayaan.

Waxaa kale oo uu hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland ugu baaqay inay isu tanaasulaan, oo aanay ka tegin dhaqankii wanaagsanaa ee Somaliland ay ku soo caano maashay ee isu tanaasulka ahaa.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal waxaa uu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxyaabaha ay siyaasiyiintu hawada isu marinayaan waxaan jeclaan lahaa maadaama lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo aan aheyn in cunada uun laga soomo ee ay noqoto in wax badan laga soomo, oo xaga xun ee wax laga eegayo laga daayo waayo nimanka siyaasiyiintu iyagu waa saaxiib laakiin dadku waxay moodayaan in waxyaabahaasi ay dhibaato u keenayaan, marka waxaan leeyahay mar hadii aynu ku jirno bishi barakeysneyd ee Ramadaan waxaan leeyahay dadka haloo tudho, wixii wanaagu ku jiro haleys faro, wixii xumaan ahna hala iska reebo”

Xildhibaanka oo hadaliisa sii wata, ayaa intaa raaciyay. “Qoladan xisbiyadu iyaga ayaa doorasho inay dhacdo doonaya ama dawladaha hoose haku soo baxaan ama golihii wakiilada haku soo baxaane iyaga doonaya oo ay dan u tahay, markaa waxaan leeyahay Somaliland isu tanaasul ayay halkan ku soo gaadhey, ee isu tanaasula, oo isu soo dhawaada oo yaanu ninba meel ka boodine”

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here