“Xukuumadda Madaxweyne Muuse Wax Badan Ayay Soo Kordhisay” Suldaanka Naasir

0
978

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah sulaadiinta beelaha Gabooye ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay maalin ba wax u kordheysay.

Hadalkan suldaanka ayaa imanaya kadib markii uu wasiirul dawlihii hore ee wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo mudane Mahdi Cismaan Buuri uu sheegay in ay ka beel ahaan quus ka joogaan xukuumadda hadda talada dalka heysa.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hadalka ka soo yeeshay Mahdi Cismaan Buuri oo ahaa wasiirul dawlihii hore ee wasaaradda kalluumeysiga xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, waxba kama jiraan, quus kama taagnin xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xukuumaddihii ka horeeyayba, tan iyo maalintii aanu dalkan dib ugu soo laabaney, wax quusa oo aanu taagneyn ma jirto, wax badana waagii baryaba waa ay noo kordhayeen, dhab ahaantii xukuumaddan uu gadhwadeenka ka yahay mudane Muuse Biixi Cabdi wax badan ayuu soo kordhiyay, wax badana waa aanu ka sugeynaa oo ku hadhsan, wax quusa oo aanu ka taaganahay ma jirto ee naftiisa uun buu ka hadlay Mahdi Cismaan Buuri, waxaananu leenahay xilku waa meerto maalina waa adiga maalina waa qayrkaa.”

Sudlaan Naasir isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyay “Wiilkaagii ayaa maanta masuul ka ah xukuumaddan aqoon ahaana dhisan shaqsiyad ahaana dhisan, xisbul xaakimka KULMIYE-na ka mid ahaa, islamarkaana uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta qorsheynta qaranka madaxweynaha ayaana leh go’aanka uu ku dalacsiin karo ee uu wasiir kaga dhigayo, hogaaminta taladda dalka ayaanu xataa xaq u leenahay hadii la arko cid hankeeda iyo damaceeda leh, cidna marti ugama noqoneyno in aanu u soo istaagno hogaaminta tallada dalka, macdala waa wasiir iyo wasiir ku xigeen, isaga uunba maalintii uu xilka hayayna lahaa waanu horumarney imikana leh quusbaanu taaganahay ee taasi isaga ayay ku kooban tahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here