DAAWO:-Xarunta CPA, Oo Qoraal Kasoo Saartay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

0
283

Hargeysa (Saaxilonline):- Xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA ayaa qoraal kasoo saartay arrimaha doorashooyinka Somaliland, nuxurka qoraal dheer oo ay soo saartay xaruntu, ayaa lagu yidhi sidan:

Jaldiga Hore Ee Qoraalka Kasoo Baxay Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Ee CPA

Kadib 18 sanno oo ay Somaliland kusoo dhaqmaysay habka xisbiyada badan iyo dastuurka dimuquraaddiyadda ku dhisan, Somalilnad waxay u muuqaataa inay ku fashilmasyo inay si buuxda u hubiso ku dhaqanka sharciga iyo fulinta ballanqaadkii siyaasadeed ha ahaadeen jileyaasha siyaasadda dhexdooda amaba hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo muwaadiniinta.

Qoraalka kasoo baxay xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA, ayaa lagu yidhi sidoo kale; ‘’Aad bay u khatar badan tahay marka rajada iyo aaminka muwaadiniintu ay ku qabaan hoggaamiyeyaashooda siyaasaddu hoos u dhaco, waxay aqoonsanayaan inay hoggaamiyeyaasha siyaasaddu danaynayn walaaca dadwaynaha, balse keliya ay danaynayaan hamigooda siyaasadeed.

Nuxurka Qoraalka Kasoo Baxay CPA

Qoraalka kasoo baxay xarunta CPA, ayaa gabagabada lagu soo afmeeray talooyin dhawr ah kuwaas oo kala ahaa in:

1.Siyaasadaynta habka doorashada si loo gaadho dano shakhsi amaba siyaasadeed inay dhaawici karto aaminka mustaqbalka ee cod-bixiyeyaasha iyo shaqada komishanka doorashooyinka sidaa darteed CPA waxay ugu yeedhaysaa daneeyayaasha ay ku jiraan golaha guurtida, xisbiyada qaranka iyo madaxwaynuhu inay ixtiraamaan rabtiaanka muwaadiniita ee ah in doorasho la qabto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah.

Xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA, ayaa ugu baaqday inay masuuliyiintu inay danta guud ka horumariyaan danta gaarka ah.

Tan Iyo Markii Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Uu Aqbalay Talo-Soo-Jeedintii Guddida Dhexdhexaadinta, Waxaannu Bay Yidhaahdeen CPA Ugu Baaqaynaa Madaxwaynaha Inuu Fuliyo Ballanqaadkiisii Xallinta Khilaafka Doorashooyinka Iyo Inuu Hoggaan U Noqdo Hirgelinta Soo Jeedinaha Guddidii Dhexdhexaadinta.

3. CPA waxay xustay in xisbiyada qaranku ay yihiin daneeyayaal muhiim ah marka ay noqoto doorashada,waxaannu ugu baaqaynaa inay caawiyaan madaxwaynaha si uu u xalliyo arrinta guddida doorashooyinka qaranka iyo caqabadaha sharci.

4. Somaliland kama go’doomi karto adduunka, waxay u baahan tahay wax ka badan baahida dalalka kale si ay wanaag u hesho xidhiidhka aynu la leenahay saaxiibada caalamiga ah, sidaa darteed, waxaannu ugu yeedhaynaa madaxweynaha iyo xisbiyada siyaasadeed in miisaan culus la siiyo talooyinka shuraakada caalamiga ah.

Gabagabada qoraalka kasoo baxay xarunta CPA ayaa lagu yidhi:

5. Aad bay khatar u tahay haddii hoggaamiyeyaasha dhaqanku, ay ku lug yeeshaan khilaafka Guddida doorashooyinka Qaranka, Waxaan ugu yeedhaynaa odayaasha dhaqanka ee la ixtiraamo inay ka fogaadaan siyaasadaynta Khilaafka komishanka doorashooyinka qaranka iyo in fursad loo siiyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed si ay u xalliyaan khilaafka doorashada.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here