Kulanka Culimada G Awdala Iyo Komishanka Xakamaynta HIV AIDS ka

0
187

Borama(SaaxilOnline) Komishanka Heer Qaran ee Xakammaynta Xannuunka HIV/AIDS ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNAC (Somaliland National AIDS Commission), ayaa culimada ku nool Gobolka Awdal u qabtay Kulan Saddex Bilood  Hal Mar Lagu Soo Bandhigo Xaalada fayraska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka Iyo Saamaynta u Ku Hayo Bulshada

Kulankan ayaa  waxa lagu falanqeeyey sidii loo ilaalin lahaa, loona daryeeli lahaa dadka la nool Cudurkan, iyadoo ay furitaankii Kulankan ay ka qaybgaleen culimada waaweyn ee Gobolka Awdal, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo madaxda sare ee Komishanka SOLNAC

Ugu Horayn Waxaa Kulanka Ka Hadashay Isuduwaha Komishinka Heer Qaran Ee Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS  Oo Sheegtay In Culimadu Lafdhabar weyn U Yihiin Bulshada Marka ay Noqoto Wacyi gelinta, Waxaanay Xustay In hadii Culimadu  Xil Iska Saarto Sidii Looga Hor Tagi Laha Takoor Lagu Hayo Bulshada La Nool Cudur HIV/AIDS Ay Wax Badan Iska Bedeli Doonan Bulshada Madama Aad Tihiin Culimadii Hormoodka U Ah Shacabka.

Sheekh Xaamud Nadiif Ibraahim oo ah Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee Gobolka Awdal oo furitaankii tababarkan hadal ka jeediyey, ayaa Komishanka Heer Qaran ee La-dagaalanka HIV/AIDS uga mahadceliyey dedaalka ay wadaan iyo Kulankan ay Markasta u qabtaan bahda culimada ee Gobolka Awdal. Waxaanu Sheegay In Xanuunkani Yahay Xanuun Qadar Ilaahay Ku Yimaada, Balse Fikrad Khaldan Dadku Ka Aminsan Yihiin, Balse Waqtiyadan Danbe Si Weyn Dadku U soo Fahmayaan, Waxaanu Balan Qaaday In Ay Kaalinta Culimo ahaan Ka Soo Bixi Doonan Oo Ay Is Garab Istaagi Doonan Dadka La Nool Xanuunka,Wacyi Gelina Gaadhsiin Doonan Bulshada Ku Nool Gobolka Awdal.

Gebo Gebadii  Agaasimaha Wacyigelinta ee Komishanka La-dagaalanka HIV/AIDS Mr. Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim oo halkaas ka hadlay Ayaa Culimada Ugu Baaqay In Ay Door Muhiima Ka Qaatan sido Kale ay muhiim Tahay  in la ilaaliyo, lana yareeyo takoorka iyo cuqdada laga qabo dadka la nool HIV/AIDS, Oo Ducooyinka Lagu Daro In Ilaahay Ka Dul Qaado Xanuunkan, Waxaanu Xusay in qadar ilaahay u keenay u yahay balse aanu mudnayn in la takooro oo noloshiisi la farageliyo, Waxaanu Xaq U Leeyahay Inuu Shaqaysto Oo U Guri dhisto nolol Malmeedkiisa Si Wato.

Waxaanu Qiray In Aanu Xanuunkani Lahayn Wax Dawo ah, Balse Xalka Keliya Ee U Leeyahay Waa Ka Hortag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here