Wasiir Toorno Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Aqoon Dheer U Leh Manhajka Waxbarshada Dalka, Kadib Markii Agaasimuhu Diiday Qorshe Lagu Midaynayo Manhajka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wasiir Toorno Wato.

0
207

Hargeisa(Saaxilonline)-

Wasiirka Toorno Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Aqoon Dheer U Leh Manhajka Waxbarshada Dalka, Kadib Markii Agaasimuhu Diiday Qorshe Lagu Midaynayo Manhajka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wasiir Toorno Wato.
Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed toorno ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii waaxda manaahiijta Cabdilaahi Yaasiin ka dib markii uu agaasimuhu ka diiday burburinta manhajka qaranka, wasiir Toorno ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa kala dhantaalida manhajka isagoo dhaafsanaya dhadhamo uu ka helay hayad midaynaysa manhajka Somaliland iyo ka Soomaaliya oo uu mashruuceeda marinayo NGO uu wasiirku leeyahay,
agaasimaha waaxda manaahiijta ee uu wasiir Toorno danaha khaaska ah dhaafsaday ayaa ahaa masuul aqoon dheer u leh manaahiijta mudo dheerna looga maarmi waayay xafiiska manaahiijta Somaliland. Arritantan ayaa ay ka biyo diideen badi bahda waxbarashada iyadoo ay horena u jireen fadeexado dhanka shaqada ah oo dhawaanahan uu ku kacayay wasiir Toorno. Waxaana laga yaabaa in arrintani ay soo afmeerto isku shaandhayn iyo eri uu dhawaan madaxweyne Muuse ku gelelafi doono qaar ka mida golihiisa wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here