Musharax Shucayb Maxamed Muuse Oo Baraha Bulshada Ku Faafifay Warqad Taariikhdeedii Hore La Qariyey Oo Uu Ka Dhigay Inay Jawaab U Tahay Dalabkii Ay U Direen Dugsiga Al Furqaan Ciidamada Dembibaadhista Somaliland ee Lagu dalbaday Cadaynta Shahadada Dugsiga Sare ee Musharaxasi Ka Sito Dugsiga Al Furqaan.
Ciidamada Dambi baadhista Somaliland ayaa 16 bishan march 2021 amray dugsiga Furqaan inuu soo cadeeyo saxnimada shahaadada dugsiga sare ee Al Furqaan uu ka sito Musharax Shucayb Maxamed Muuse.
Dugsiga Faaruuq ayaa ila hada warbaahintu helin warqad jawaabta ah ee dalabka ciidanka ay ugu jawaabey balse baraha bulshada ayaa lagu faafiyey saacadihii la soo dhaafay warqadan dugsiga Al Furqaan uu qoray 27 bisha labaad ee sanadkan oo ka horaysay wakhtigii ay cadaynta ka dalbadeen ciidanka dembi baadhista Somaliland.
Warar aan helayno ayaa sheegay in ciidanka Dembi baadhistu ku war heleen musuqmaasuq uu sameeyey musharaxan oo shahaadada been abuurka ah ee uu haysto ay ugu ansixiyeen xafiiska imtaxaanadka Qaranka Somaliland.
Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka soo jeeda gobolka Gabilay waxaanu Xisbiga Ucid uga sharaxan yahay doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex.