Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Geerida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Soomaaliya.

0
337

Jabuuti(Saaxilonline):-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay geerida gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

Madaxweyne Geelle ayaa shacabka soomaaliya ka tacsiyadeeyey geerida Yariisow, waxaanu yidhi “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne Geelle.

Related image

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisow ku tilmaamay inuu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here