Shirkadda sharaabka U-fresh oo danyarta xaafadaha Hargaysa u qaybinaysa sharaab dhicistiisa ayaamo ka hadheen

0
453
  • Hargeisa-(Saaxil Online)Shirkadda sharaabka ee magaceeda loo yaqaano U-fresh oo ay hore hayada dhawrista tayadu u xayirtay in ay wax sharaaba ka ganacsato dalka dhexdiisa ka dib markii ay hayadda dhawrista tayadu baadhis ay ku samaysay wax soo saarkooda sharaabka iyo macmacaanakaba in aanay tayadoodu sugnayn oo ay ka ganacsadaan (product) ay tayadiisu liidato, hasa yeeshee goor dambe ayay Isla hayaddaasi dib uga qaaday xayiraadii dhinaca tayada ahaa ee la saaray warshadaas sharaabka ee U-fresh hadaba subaxnimadii saaka abaara 9:00 subaxnimo ayaa gaadidiidka daabula alaabta macmacaanka ah ee ay soo saarto warshadda U-fresh ayaa waxa ay caruurta xaafadaha danyarta ah ee magaalada Hargaysa ay ugu qaybinayeen shixnado ka kooban Buskud,Jibis iyo alaabo kale oo ka samaysan macmacaanka ay soo saarto warshada U-fresh oo taariikhda dhicistiisa ay maalmo koobani ka hadheen taas oo ay ku beegantay dhicistiisu Bidha todobaad ee labada kun iyo degaal iyo tobanka 07.2019 we aynu ku jirno hadaba alaabadan ay shirkaddu qaybinayso ayaa u muuqda mid ay ku raafayso dadka danyarta ah ee xaafadaha Raami iyo Statehouska ee ay deganyihiin dadka danyarta ahi oo ay ka faaiidaysanayaan baahiyahooda iyagoo bakhaarada ku banaysanaya.

Saaxil Online Head Office In Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here