Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Oo Kulamo muhiim u ah Xidhiidhka Labada Dal Jabuuti kula qaatay Wasiiro Iyo Sarakiisha Ciidanka ugu Saraysa Dalkaasi Iyo Doorkii danjire Abdifatah

0
356

Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Oo Kulamo muhiim u ah Xidhiidhka Labada Dal Jabuuti kula qaatay Wasiiro Iyo Sarakiisha Ciidanka ugu Saraysa Dalkaasi Iyo Doorkii danjire Abdifatah Kulan oo ahaa mid Muhiim u ah Xidhiidhka labada Dal Ee Somaliland Iyo Jabuuti ayaa dhexmaray Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland oo Safar ku Jooga Jabuuti Iyo Sarakiisha Ciidanka Jabuuti ugu Saraysa

Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Safiirka Somaliland ee Djibouti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed Abaandulaha 1aad ee Qaranka Sareeye guuto Abdirisaaq Siciid Bulaale ( Afguduud),

Madaxa Hoggaanka tababarka ciidanka qaranka Sareeye guuto Axmed Cali Maxamed, Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Qaranka JSL G/dhexe Dr. Ahmed-shadi Abdillahi Mohamoud,

Madaxa Hoggaanka Madaafiicda G/sare Yuusuf Aadan Nuur ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabuuti wuxuu galay maalintiisii koowaad halkaas oo uu kula kulmay madax kala duwan oo ka tirsan dawlada Jabuuti sida Wasiirka wasaarada Cadaalada ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Ali Hassan Bahdoon,

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jabuuti Sareeye gaas Zakariye Sheikh Ibrahim iyo Hoggaanada kala duwan ee ciidanka Jabuuti, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gen. Hassan Saed Kheyre , Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Maamul daadajinta ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Hamudo Aramiz ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah. Kulmadan yaa oo kaalin mug leh ka qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya jamhuuriyadda Djibouti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here