DAAWO:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-Furay Gaadiid Casri Oo Shirkada Hyundai Dalka Keeni Doonta

0
324


Hargeysa (Saaxilonline):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.

Munaasibadda daah-furka mashruuca ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keenayso gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai oo ay ka qaybgaleen madaxda xukuumadda ugu sarraysa, hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suit
Xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo haldoor kale oo reer Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa shirkadda DAHABSHIIL Group ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadatay sidii ay bulshadu u heli lahayd gaadiid casri ah oo muddo dheer sii shaqayn kara, una adkaysan kara duruufaha dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here