Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng:Yariisaw Ayaa Ku Geeriyooday Dalka Qadar

0
332

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar, halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisinimmo ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa Ehelada & Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyey Geerida Guddoomiyahii gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here