Xildhibanadi Gabilay Ee La Xidh Xidhay Oo Saaka Saqadh La,aan Laga Si Dayay Xabsiga Hargeisa

0
339

Hargeisa(Saaxilonline)-Xildhibaanadii golaha deegaanka ee dhawaan uu xidhxidhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed ayaa subaxnimadii saaka laga sii daayay xarunta CID ed magaalada Hargaysa xildhibaanadan ayaa in mudo ahba waday mooshin ka dhan ah maayar amiinka Gabilay oo sida fiinta uga qayliyay mooshinkaa xil ka qaadista ah ee ay xildhibaanada Gebiley dabada ka riixayee ka dib markii uu maayarka ay ku eedeeyeen hanti lunsi iyo wax is daba marin taas oo uu maayar Amiin gacan hoose u fidiyay masuuliyiin uu ka midyahay Badhasaabka gobolka Gebiley iyo wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo isagu ka dameeyay muaamaradaynta iyo xabisida xildhibaanadan xasaanada huwanaa ee uu maaryarku ka qayliyay hadaba xildhibaanadan ayaa saaka sida loda uga dareeray xarunta CID ee Hargaysa ka dib markii uu Ina kaahin fara guudkood oo lacaga ku rusheeyay si aanay warbaahinta ula hadan hadaba xildhibaanadu waxay saaka u jamaadeen dhinacaa iyo magaalada Gebiley oo ay ku galeen si dhuumasho dhabarku muuqdo ah iyagoo ka sanqadhtirtay warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here