Deg Deg-EX- Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase) Oo Manfac Ka Raadsanaya Jubaland Xili Mudo Kooban Uu Xilka Kasi Maqnaa

0
362

(SaaxilOnline)Agaamihii guud ee hore ee wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase) ayaa ka degay magaalada Kismaanyo ee caasimada Jubaland warar lagu kalsoonyahay oo ay shabakadda Saaxilonline ay ka helayso magaalada kusmaanyo ayaa xaqiijiyay in uu agaasime Ilkacase oo ka mid ahaa agaasimeyaashii ugu mudada dheeraa xukuumadihii kulmiye ee xilka u kala dambeeyay ayaa xamiliwaayay xilla’aanta muddo kooban oo uu xilka agaasimenimo ka sii maqnaa ayaa ku sifoobay hanfade ku samriwaayay shaqo la’aanta waxaanu uu gadhwadeen ka yahay koox u hanqaltaagaya in ay dilaalaan siyaasada gabidhaclaynaysa ee maamul-goboleedyada isagoo dad badan oo reer Somaliland ah qorshaynaya in ay ka dabaaldegaan munaasibada lagu caleemasaarayo Axmed Madoobe si kastaba ha ahaatee Agaasime hore Ilkacase ayaa mudadaa uu xilka agaasimenimo ka sii maqnaa gaafwareegayay wadamada jaarka sida Ethiopia,kenya iyo Koonfurta Somalia isagoo ka raadsanaya manfac ama mansab aan ahayn kan Somaliland ee uu mudada ku soo tanaaday,hadaba dhuuniraacnimada ee uu muunaynwaayay qarankii uu masuulka ka ahaa mudada dheer gebegebadii Maxamed Ilkacase ayaa la ogaa in eryidii xilkii ugu dambeeyay ee agaasimaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa waxagalaaftay mussuqmaasuq ay ku qabatay wasiir Hinda Gaani kaas oo uu Maxamed Ilkacase ku sumcad beelay hadaba waxa iska cad in markii uu ka quustay xildambe uu iska xaadiriyay kawaanada koonfureed ee lagu dadqalatoobay waxaana iska cad in uu ilkacase ku tagay jariskaxoornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here