Golaha Guurtidu Waxay Gabeen Waajibkii Qaran ee loo igmaday

0
282

Hargeisa(SaaxilOnline)-Golaha guurtida somaliland oo ah gole dhaqan oo loo abuuray in ay ka shaqeeyaan Xalinta khilaafaadka iyo heshiisiinta iskku dhacyada ka yimaada goleyaasha siyaasiga ah iyo heshiisiinta dhinacyada ay xurgufuhu kala irdheeyaan ayaa gabay waajibaadkii loo igmaday ee ay ku mushaharka qaadanayeen iyada oo aynu tusaale fiican u soo qaadan karno khilaafkii qarada weynaa ee kala geeyay axsaabta siyaasada iyo xuxuumada oo la dhinaca xisbul xaakimkeeda Kulmiye (Hashu maankaygii gadee ma maansaar bay liqday) waxan uga jeedaa gohulu ma golihii baanu ahayn muse rageedii baan hogaaminayn, arintan oo u muuqata mid uu masuul ka yahay Gud Saleebaanka majaraha u haya golahaas oo noqday mid aan ku haboonayn hogaaminta golahan dhaqan marka la garab dhigo shirgudoonadii isaga ka horeeyay sida Sh.Ibraahim sh.Yuusuf Sh.Madar oo ahaa mid marwalba xaliya isagaoo xilweyn iska saarijiray khilaafyada qaeankan ku yimaada ama mid beeleed ha noqdo ama mid siyaasadeede guntii iyo bebagabadii waxa aynu wada aragnaa in shaqadii golaha guurtida ay gacanta ku hayaan odayaashii iskood isu xilqaamay ee isugu jiray ganacsatada iyo odayaasha ee dedaalka weyn geliyay sidii ay xal ugu helilahaayeen khilaafka soo noqnoqday ee ragaadiyay doorashooyinkii dalkani uu ku caanomaalay aakhirkiina ku guulaystay inay xaliyaan xurguftii soo jiitantay mudada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here