Cabdirashiid Dahabshiil oo ka hadlay doorka Shirkadiisa ee xadhigga Cable-ka Internet-ka Maamulaha Shirkadda Dahabshiil oo si qoto dheer u sharaxay Shir-madaxeedka Ingiriiska iyo Afrika oo shirkaddaha lagu marti-qaaday ay kamid ahayd Dahabshiil Group iyo doorkooda Geeska Afrika

0
526

Hargeysa(Saaxilonline.com)-Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil Maamulaha guud ee Shirkaddaha Dahabshiil, ayaa si kooban uga hadlay doorka Shirkaddiisu ku leeyahay horumarka dhanka Isgaadhsiinta iyo Bangiyada qaarada Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, waxaanu rejjo wanaagsan ka muujiyey fursadaha ka dhalan doona dardar-gelinta xidhiidhka Afrika iyo Boqortooyada Ingiriiska oo boodhka dib loogaga tumay shir-madaxeed ka dhacay magaalada London todobadkan.

Shirkadda Dahabshiil oo ka kooban in badan shan farac oo ah maal-gelinno ay ka hirgelisay wadamada Geeska Afrika, isla markaana dalka Djibouti dhawaan ka daah-furtay Bangi Ganacsi oo ku kacay malaayiin Doollar, ayaa dhabaha u xaadhaysa mashruuc xagga Isgaadhsiinta ah oo ay xadhigga Internet-ka Fibre Optic loo yaqaano ku fidinayso Dalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo kamid ahaa Ganacsatada Afrika ee ka qaybgalay shirka Afrika iyo UK, ayaa sharaxay ahmiyada shirkaasi u leeyahay maal-gelinta Afrika iyo meelaha ugu muhiimsan ee diirada la saarayo “Dalka Ingiriisku Afrika waa wadamada uu xidhiidhka wanaagsan la leeyahay, laakiinse muddooyinkii dambe waxaad moodaa in wadamo badan ku tartamayaan Afrika, Shiinaha ha noqoto ama Ruushka ha noqotee, dawladda Ingiriiskuse waxay doonaysaa in ay ganacsatada iyo dadka qurbo-joogga ah ee Afrika ka soo jeeda in ay maal-gashi la samayso, iyadoo u arragta in shaqo la abuurro.

Maal-gashigaasoo Afrika ka dhacaya Ingiriiskana ka dhacaya, maadaama ay doonayso wax labada dhinacba dan u ah”ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo la hadlay Telefishanka BBC-du.

Maamulaha Shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil oo la waydiiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay u danaynayso Dawladda Ingiriisku ee ay doonayso in ay maalgashato, waxa uu ku jawaabay:
“Waxa kamida waxyaabaha ay danaynayaan Tamarta (Energy-ga) waayo Tamarta iyo Tiknoolajiyaduba adduunkan maanta way isbedelayaan, waxa kale oo kamida arrimaha Isgaadhsiinta iyo Bannaanka . waa shaqooyinka annagu haddaanu nahay Dahabshiil Group aanu ku jirno, maadaama Edahab ama Somtel ama Cable-ka aanu ku jirnaa ay wuxuba la xidhiidhaan Tiknoolajiyad iyo adeegyada dhaqaalaha.”ayuu yidhi isagoo xaqiijiyey jiritaaanka qorshaha shirkadda Somtel ku fidinayso xadhigga Fibre-ka ee DARE1 oo todobaadkan lagaga dhawaaqay dalka Djibouti, isla markaana somaliland dareen ka muujisay sababta xariiqda uu marayo loogu daray magaalada Berbera.

Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa farta ugu fiiqay “markaa waxaad moodaa in Dawladda UK ay doonayso horumar balaadhan oo dheer in ay Afrika la samayso oo boqolkiiba siteedtan horumarka iminka socda wadamada ka qaybqaata ayey ku marti-qaaday iyo ganacsatadoodii.”
Maareeyaha ayaa tilmaamay in ay shirkad ahaan arragti dheer ku eegayaan ahmiyada Shirkan. “markaa annaguna dahabshiil haddaanu nahay Dahabshiil waanu ku faraxsanahay in aanu kamid noqono shirkaddaha caalamiga ah ee lagu marti-qaaday shirkan oo aanu u arragno in uu mustaqbalka shaqooyin u abuuri karo dad badan oo Soomaaliyeed. ama Soomaaliyeed ee ku nool UK ha noqdeen ama kuwa Afrika ku nool ha noqotee.” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil oo ah maamulaha mid kamida Shirkaddaha ugu waaweyn ee laga leeyahay Geeska Afrika, khaasatan Somaliland.

Shirkadda Somtel oo kamida faracyada Isgaadhsiinta ee Shirkaddaha Dahabshiil, ayaa waxa la sheegay in ay xadhiga Internet-ka badda hoosteeda la marinayo ee DARE1 ku leedahay saami dhan boqolkiiba kow iyo toban (11%), halka 89% kale ay leedahay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Djibouti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here