Berbera (Saaxilonline.com)-Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde ayaa dardar cusub lasoo baxay, oo ku degay shaxo ku aadan, inqilaabka awooda Maayir ku xigeenka Berbera, dejinta ba-leenka deegaameynta xaafadaha bariga Berbera iyo sidoo kale, Fudadaynta hawlaha dhaqan-dhaqaale ee Wasiirka arrimaha gudaha iyo shaqsiyaad kaloo la hal-maala.
xoghaya Cabdikariin Aadan Cadde oo ah Nin Jimidh-yar, had iyo jeerna kulamada fagaarayaasha ku metela shaqsi waji-furan oo farxad badan, isla markaana dad-dhexgalka ku wanaagsan, Waxa uu xilka Dawlada hoose hayey muddo ku siman Shan sanaadood, Waxa intii mudadaas ahayd u suurto galay ama uu ku guuleystay kolkii horaysay inuu xidhiidh dhow la yeesho Maayirka Magaalada gacantana ku dhigo Cabdishakuur Cidin, sidoo kale, Waxa uu Albaabada iyo daaqadihiisa u furay ganacsatada damaca badan ka hayo Xoolaha dadweynaha, sida Guryaha Dawlada iyo Dhulka danta guud.
Arrimahaasoo dhami waxay noqdeen kuwo u fudaydiyey ama u sahla inuu Magaalada Berbera ka noqdo Shaqsi Maamul iyo shacab qof jeceli iyo mid neceb midna aanu jirin.
kaddib marka shaxdii Siyaasada ee u gobolka Saaxil ku ciyaaaray, ugu dhacday jaro irmaan ah.
Hadabaa, hadii aynu si Kooban guud mar ugu samayno isbedeladii shaqo iyo nololeed ee u soo maray Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariin, ka sekow reer Berberanimadiisa waxa uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Engo-ga Gavo, oo lagu aasaasay Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, Waxa kaloo uu shaqo kasoo qabtay mudo dheer Shirkada Dahabshiil, oo u aakhirkii ka hawlgeli jiray xafiiska Jabuuti, halkaasoo uu isaggu Codsiga bedelaada lahaa Jabuuti.
Geesta kale, Xoghaye Cabdikariin waxa uu ahaa Nin u qalbi furan ina jajaban dhinaca Fanka iyo suugaanta, waxana lagu xasuustaa curinta Heeso uu qaado Fanaan Caabi Mire iyo qaar kamid ah xidigaha Geeska, waxana si gaar ah Saaxibadii ugu xasuustaan sheeko Xariir, Farxad iyo qosol badan, gaar ahaan xilliyada lagu sugan yahay Marfashyada Codadka Debecsan.
la soco qaybaha dambe Xigasho Xogreebnews.com
Home Aragtida Dadweynaha Dhag-dhagtii Fanka × Dhuumalaysigii Maraafiishta Iyo Dhaca Berbera ee Xoghaye Cabdikariin...