Xasaasi:- Maayar Cidin Oo Xoog Ku Muquuniyay Qoys Danyara Naxdin-WAA QOYS DANYAR AH IYO QISO DHAB AH WAXAY U BAAHANYIHIIN HIIL QARAN

0
251

Berbera-(SaaxilOnline)-WAA QOYS DANYAR AH IYO QISO DHAB AH WAXAY U BAAHANYIHIIN HIIL QARAN Maama Ardo Caydiid waa hooyo da,ah oo ku nool magalada Berbera waxay haysata caruur agoona oo badhkood ku naafoobeen halgankii dib u xoraynta Somaliland sidoo kale waxay ku weeyday odaygeedii oo isna ku dhintay dagalkii dib u xoraynta 1988kii oo uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM rafaadkii dheera iyo silicii agoonimada hooyo Ardo Caydiid Axmed Daahir ka soo maray waxay keli ku ahayd koriinka caruurta ku agoonowday oo aanay helin cid ay kula tiirsato,xiligii qaxoontiga Hadaba niyaayirkii iyo neecawdii xoriyada 1991 waxay nasiib u yeesheen inay u soo hayaamaan dalkeedii hooyo oo dib loo xoreyey, waxay degtay degel banaan oo kamida ah dhulkii danta guud ahaa, ma dayrka guriga dawlada ee Ex,district commissioner Berbera, waxay ku dharan jirtay in ay goobtan u ilaalinayso qarankii lahaa kadib markay dad dhulboob ahi ku soo weerareen inbaadan,goobtaasi oo ay kala simantahay deganaan shiiyaheeda dad badan oo Reer Somaliland ah WAXAA MAANTA TIMI KA DAR OO DIBI DHAL MAAMO ARDO CAYDIID AXMED IYO UBADKEEDIIBA WAXAY LIINTA KU CABAYAAN SALDHIGA POLICE KA BERBERA, kadib markii 19/12/2019 saqdii dhexe ciidaanka bolisku ugu soo daateen cooshad yar oo hoy u ahaa maamadaasi iyo ubadkeedii ay dhashay iyo qaar ay sii dhaleen iyadoo xoog lagu muquuniyey sidaana ay ku waayeen mood iyo noolba wixii ay haysteen waxaana loo sheegay in meeshaa la siiyey nin magaciisa la yidhaahdo Axmed Cali Nuur oo ay mayor cidin isku famly iyo habra wadaagba yihiin kaasi oo loo boobaayo dhulkaa danta guud ee umadda ka dhexeeya taasi oo laga qarinaayo dawladda dhexe oo meeshaasi ka masuulaha sidaa daradeed qoyskaasi waxay u baahan yihiin hiil qaran Dawlada hoose ee Berbera waxay ku Toorjargaraynayaan in aanay Sheegan waxa ay xaq u leeyihiin oo ah in ay Karari karaan oo keliya Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta oo goobtaasi uga masuula qaranka sharciguna aanu u ogolayn dawladda Hoose hooyo Ardo Caydiid ilaa maalintii la soo xidhay ma jirto cid ka hadashay arinta qoyskaa iyo hooyadaasi oo hadda laga dayrinaayo xaaladeedan caafimaad waxaan codsanlahaa in hoos loo eego qoyskaasi lana soo daayo maamadaasi iyo qoyskeeda lana siiyo wixii hanti Iyo hoyba khasaare loo ga gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here