XASAASI:-Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha oo 37 kamid ah Shaqaalaha W. Warfaafinta ka Joojiyey Mushaharooyinkii iyo Ficilada Musuq-maasuq ee u ku Kacay Mudadii uu Joogay Duulista iyo Manhajka Shaqaalaha…

0
582

Hargeysa(Saaxil Online)- Waxa isa-soo taraya tallaabooyinka guracan iyo hab-dhaqanada ka aradan nidaamka dawladnimo ee u ku Talaabsatay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo muddooyinkii u dambeeyey la baydhay masuuliyadii u Qaranku u igmaday. Gudoomiye Farxan Aadan Haybe waxa uu bishii dhamaatay ee April musharooyinkii ka Joojiyey 37 kamid ah shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyogelinta, kuwasoo ka hawlgalaayey wasaarada 15 sanno iyo in ka badan, isla markaana Bayroolka dawlada la geliyey xilliyo kala duwan. Talaabada oo aan la garanayn waxa uu u cuskaday Gudoomiye Haybe. Sida aanu ku helayno xogo iyo baadhis ay Shabakada Xogreebnews ku samaysay talaabooyinka Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha dawlada, ma jirto cid soo dacwaysay Shaqaalaha 37 ka ah ee Gudoomiyuhuu mushaharka ka Joojiyey Xilli adag oo lagu jiro Bil Ramadaan iyo Xaalada caafimaad ee Covid-19 oo dunida oo dhan saamaysay. Geesta kale, waxa uu Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe mudadii uu xilka hayey waxa uu ku kacay falal Musuq-maasuq maaliyadeed iyo kuwo qaraabo kiilnimo shaqaale ah, isagoo shaqaaleysiiyey dhalinyaro ay isku raas-hoose yihiin kuwasoo uu siffooyin kala duwan ku shaqaalaysiiyey mudadii koobnayd ee u Xafiiska Haayada Shaqaalaha joogay iyo kuwo uu shaqaaleysiiyey waqtigii uu ahaa Wasiirka duulista, waxyaanaha layaabka leh, ee u ku Talaabsatay waqtiguu ahaa Wasiirka waxa kamid ah inuu qoray 30 kamid ah qoyskiisa xataa qaarkood yihiin reer Haybe. Dhowaan Waxaanu idin soo gudbin doonaa Liiska Shaqaalaha uu reernimadu ku shaqo geliyey iyo kuwo uu xadgudubka kaga Saaray shaqada, isagoo qof kasta oo shaqada ka saaro uu ku bedesho qof la hayb ah iyo weliba Musuq-maasuq maaliyadeed uu sameeyey mudadii uu ahaa Wasiirka duulista iyo Xafiiska Haayada Shaqaalaha dawlada Somaliland. La soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here