wasiirka waxbaradhada oo hadalo is burinaya fagaare kaga kala tiraabay iyo nuxurka weedhihiisa

0
220

WasiirkaWaxbarashada Somaliland AxmedToorno ayaa 24 Saac gudahood Soo saaray laba Warsaxaafadeed oo is Burinya oo ku saabsan Buugaag iyo manhaj aan waafaqsanayn Diinta Islaamka

.Halkan Hoose kaga bogo Warsaxaafaeedka manta Wasiirka Waxbarashada ku Beeniyey War uu maalin ka hor Eedaymo culus ugu jeediyey qaar ka mid ah School-da.
…………………………………………………………………
WARSAXAAFADEED.
Annaga oo ah Guddida ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku u xilsaartay baadhitaanka wararka laga faafiyay dugsiyada Somaliland qaarkood, waxa aannu maanta oo ay taariikhdu tahay 30.8.2020 soo saarnay Warsaxaafadeedkan oo aannu ku soo bandhigaynno maxsuulka xaqiiqo raadintii aannu samaynnay:
1. Guddidu waxay bulshada Somaliland iyo caalamkaba u caddaynaysaa in aanay jirin dugsiyo Somaliland ku yaalla oo hadda lagu dhigto ama hore loogu dhigtay diin aan Islaam ahayn, isla markaana aanay arrintaa oggolayn Wasaaradda, maamulayaasha iyo macallimiinta goobaha waxbarashada, waalidinta iyo ardayda midkoodna.
2. Guddida waxa u caddaatay in uu jiray sidii uu Wasiirkuba hore u sheegay buug cilmiga bulshada ah oo qoraalka ubucdiisa aanay ku jirin wax diin ah oo aan Islaam ahayn, balse tusmada buugga uu ku jiro ciwaan tuhun dhalin kara. Buuggaas oo maktabadaha qaarkood iibin jireen, balse aan hadda lagu iibinnin Somaliland, ayay dad nuqul ka mid ah helay ay baraha bulshada geliyeen oo ay ka been abuureen in diimo kale lagu dhigto dugsiyada dalka. Iyadoo aanay ahayn markii koowaad ee goobaha waxbarashada been noocaas ah laga sheego; halkaas oo dadkii beentaa faafiyayna la xukumay, kuwa iminka ku hawlanna sharciga lala tiigsan doono.
3. Maadaama oo aanay jirin diin aan Islaam ahayn oo weligeed lagu dhigay dugsiyada Somaliland, Guddidu waxay cambaaraynaysaa dadka faafiyay wararka been abuurka ah ee warbaahinta qaarkood faafiyeen in xubin shaqaalaha wasaaradda ka mid ah tallaabo looga qaaday arrimahaa marka horeba la been abuuray ee ku saabsan diin aan Islaam ahayn oo dalka lagu dhigto
4. Sidaas darteed, Guddidu waxay ku talinaysaa in Wasaaraddu ku martiqaaddo cid kasta oo hawshaa danaynaysaa inay soo booqdaan dhammaan goobaha waxbarashada ee dalka ku yaalla oo ay baadhitaan madax bannaan soo sameeyaan; wax kasta oo ay soo arkaanna bulshada la wadaagaan.
5. Guddidu waxa ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska kula talinaysaa in ay sharciga la tiigsato dadka iyo warbaahinta faro-ku-tiriska ah ee caadaystay inay waxbarashada Somaliland been abuur lagu waxyeellaynayo ka faafiyaan, iyadoo ujeeddadu tahay tartan taban oo salka ku haya dano dhaqaale.
6. Guddidu waxa ay ku talinaysaa in dhammaan dugsiyada dalka lagu dhigto manhajka Somaliland, isla markaasna la soo saaro wareegto lagu mamnuucayo in goobaha waxbarashada ee dalka lagu dhigto, lagu hayo, la geeyo buug aanay qoraal rasmi ah ku oggolaannin Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
ALLAA MAHAD LEH.
Xubnaha Guddida:
1. Maxamed Saleebaan Cumar, Agaasimaha Waaxda Xog-Isgaadhsiinta – Guddoomiye.
2. Xuseen Cabdi Cawil, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah – Xubin.
3. Sucaad Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban – Xubin.
4. Yuusuf Xuseen Maxamed, Agaasimaha Waaxda Hantida iyo Diiwaangalinta Dugsiyada – Xubin.
5. Cabdishakuur Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Dheellitirka Waxbarashada – Xubin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here