Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka Carabta Oo Sheegtay In Aanu Xafiiskeeda Hargeysa Shaqaalaheeda Ka Mid Ahayn Masuul Ay Hore U Eryeen, Dadkana Uga Digtay

0
229

Hargeisa-(Saaxil Online)-Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka Carabta Oo Sheegtay In Aanu Xafiiskeeda Hargeysa Shaqaalaheeda Ka Mid Ahayn Masuul Ay Hore U Eryeen, Dadkana Uga Digtay

Hay’adda Bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabta xafiiska ay ku leedahay Hargeysa, ayaa sheegay in aanu imika ka mid ahayn shaqaalaheed masuulkii hore ugu qaabilsanaan jiray xidhiidhka dadweynaha oo shaqada laga eryey. War-saxaafadeed ay Hay’addani soo saartay, ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax xidhiidh shaqaalenimo ah oo masuulkaasi wakhtigan kala dhexeeya Hay’addaasi, iyaga oo ddkana uga digay in ay la macaamilaan. War-saxafadeedkana waxa uu u dhignaa sidan: “Hay’adaha Bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu wakiil ka yahay xafiiskooda ay ku leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, wax ay halkan kaga dhawaaqaysaa in xidhiidhkii loo gooyey Mr. Siciid saalax Faarah oo muwaadin Soomaali ah, kàasoo ahaa shaqaale hore uga hawlgeli jiray xafiiska Hay’adda ee ku yaal Jamhuuriyadda Somaliland,

maadaama oo la soo afjaray shaqadii uu hayey oo ahayd sarkaal qaabilsan xidhiidhka dadweynaha, iyadoo aannu cidkastaba halkan ugu caddaynayo in aannu hadda ahayn shaqaale halkaas nooga shaqeeya, sidoo kalena aannu wax awood shaqo ah noo hayn ama wakiil nooga ahayn ama aannu ka tirsanayn xafiiska Hay’adda ee ku yaal Jamhuuriyadda Somaliland. Ma jiro wax xidhiidh shaqaalenimo ah oo kala dhexeeya Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka laga soo bilaabo 31/08/2020, waxa aannu xaqiijinaynaa in aanay Hay’addu wax masuul ah ahayn nooc walba oo sheegasho ah oo ka soo baxda dhinacna ama qof, taasoo khilaafsan arrimaha sare ku xusan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here