Maareeyaha Dekadaha Somaliland Ayaa Golaha Wakiilada Ku Boogaadiyay Ansixinta Xeerka Dekadaha JSL

0
105

Mareeyaha Dekkada Somaliland, Saciid Xasan Cabdilaahi ayaa golaha wakiilada Somaliland ku hambalyeeyay xeerka dekaddaha Somaliland oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland.

Maareye Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in xeerkan noqonaayo markuu si rasmi ah u dhaqan galo mid wax wayn ka tari doona hawlaha shaqo ee qaranka uga xilsaaran tahay hayadda dekaddaha Somaliland islamarkaana la dardar gelin doona shaqada dekkadaha Somaliland oo muddooyinkii ugu danbeeyey la dardar geliyay hawlahooda shaqo.

Hayadda dekkadaha Somaliland ayaa maamusha dekkadaha Dalka oo dhan iyadoo lagu wado balaadhin dekkada ugu wayn dalka ee Berbera sidoo kalena waca dhawaan la bilaabaya dhismaha dekkada kalluumeysiga ee maydh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here