Mid Ka Mid ah Beelaha dega Gobolka Gabiley Iyo Maroodijeex oo musharaxooda Golaha Barlamaanka u Soo Xulay Siyaasi Saamayn iyo Taagero Wayn ku haysta Deeganadiisa.

0
110

Beesha Degta Gobolada Gabilay Iyo Maroodijeex ayaa Golaha Barlamaanka Somaliland, u soo sharaxay Siyaasi, Eng. Cabdikariin Maxamed Muxumed oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta Aqoonyahanka Qunyar Socodka ah ee Saameynta wayn Ku Leh Deeganada Beeshaasi.

Cabdikariin ayay Beeshiisu Si Midaysan isula Qaaten inuu u Noqdo Musharaxooda Matelaya Doorashada Golaha Wakiilada Fooda Inagu Soo Haya Iyagoo War Ku Siiyey Siyaasiyiinta kale ee Isku Beesha Ka Soo Jeedan ee Hungurigu ka Hayey in Ay La Tartamaan inaanay u Hayn Cod, Hiil Iyo Taagero mid koodna iyaga oo Ay Cududooda iyo Taageeradoodaba Si Hagar La’aan ah Ula Barbar taagan yihiin Siyaasigan Degan ee Aqoonyahanka qunyar socodka ah oo Ay Ka Rajaynayaan In Golaha Wakiilada uu Xaqa Gobolka iyo Deeganadiisaba Uu ugu Doodi doono si aan Hagrasho Iyo Gabasho toona lahayn.

Siyaasiyiinta Hungowga Iyo Fadhamanaanta kala Kulmay ayaa Miciin biday inay iska indho tiraan taagero la’aanta beeshooda iyo go’aanka beeshoodu ku talisay waxayna Miciin Bideen inay Musharaxnimadooda waraaba taga ah kaga dhawaaqan Axsaabta Mucaaridka ah oo aan wax Cod ah ka Heleen Sida La sheegay Beelaha Sacad Muuse oo Aaminsan In Xisbigooda Kulmiye yahay kana soo Saartan Xildhibanada Matelaaya oo aanay Codkooda Ku soo Saarin Xisbiyo Ay Ku Asteysan Yihiin Beelaha ay Xirfatanka Adag Ka Dhaxeeyo Beeshani.

Siyaasiga Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka mid ah Kuwa doorbiday inay reerkooda kala irdhooban oo u hoogasami waayay Go’aanka Beeshiisa ee Ah in La Dhiso Siyaasiga Aqoonyahanka Qunyar Socodka ah ee ay isku raaceen Beesha ay ka soo Wada Jeedan isagoo Xisbiga Ucid ka Baryey inuu ka Aqbalo Musharxnimada iyadoo La Ogaa Hadaladii Naxliga Iyo Nacaybku ka Buxeen ee Hooganada Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah u Jeedin Jiray Intii Quudaradu Kaga Jirtay Boos Wasiirnimo oo Ka Helo Xukuumada Madaxweyne Muuse Balse uu ku guuldaraystay Inuu Helo Booskaasi kana Miciin Bido inuu Ismaqiiq ku doono Musharaxnimada Xildhibaanimo oo aanu Tageero uga haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo ee Codkooda ku soo Bixi Lahaa.

Xisbiga Uu Iska Sharaxay ee Ucid ayaa og Inaanu Siyaasigan Xilka Jecel aanu Taagero ka Haysan Beeshisa oo Uu Faro madhan ka Taagan yahay taagero uu ka helo deenadiisa Balse Xisbiga ayaa doorbiday Inuu Dhaqaale buuran uu ka Qaato Musharaxnimadiisa uu Xisbigaasi Shucayb iska Sharaxaayo oo ay Doonayan inay Garab Eryaan Siyaasiga Aqoonyahanka ah ee Beeshu wadato oo Dhawaan Xafladiisi Uu Ku Shaaciyey Musharaxnimadiisa ay magaalada Gabilay gilgil shay Taagerada Qayrul Xadka ah Ee Uu Ku haysto Una Quus Gooyey Cid Kastoo Hunguri Ka Hayey In Beesha uu Kula Dhex Tartamaan Islamarkaana Beeshiisu Fariin Cad dirtay 18-kii bishan Munaasibadii Loogu Qabtay Gabilay Inayna Cod U Hayn Cid Kale oo Beeshu ay Isku Raacday Siyaasi Cabdikariin.

Siyaasi Cabdikariin Ayaa La Filayaa Inuu Codad Qayrul Xad ah Kaga Soo Baxo Deeganada uu ka sharaxan Yahay oo Bulshada Ku dhaqan Si Xoog ah Isu Diiwangelisay Una Diyaar Garowday Inay cudooda Ku Muujiyan Doorashooyinka Fooda Inagu soo Haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here