Eedaha Foojariga Ex-Wasiir Shucayb Maxaa Kajira? Xog iyo Xaqiiqo

0
111

Eedaha Foojariga Ex-Wasiir Shucayb Maxaa Kajira?

Xog iyo Xaqiiqo

Sida ayamahan lala wada socday waxaa soo baxday eeda ah in Mr. Shucayb uu shahaado dugsi sare oo foojari ah u gudbiyay xafiiska imtixaanaadka ee Somaliland si uu uga qaybgalo tartanka doorashooyinka golaha degaanka ee somaliland. Hadaba halkan waxa aynu ku gorfayn doona kuna soo bandhigi doonaa xaqiiqada arintaa ka jirta anaga oo adeegsan doona xogo iyo waraysiyo aanu la yeelanay ardaydii ay isku iskuulka ahaayeen fasalka.

Ugu horeyn Mr. Shucayb dugsiga sare ee alfurqaan wuxuu ka ahaa arday balse nasiib daro imtixaankii sanad dugsiyeedkiisaa u dambeeyey ma uu galin. Mr. Shucaybna waxaa uu intii lagu jiray fasalka u dambeeya dugsiga sarre ilaa imtixaankiisii ku mashquulsanaa meherad uu ka furtay Gabiley oo bacadle ah.

Hadaba xogaha aanu helayno ayaa ah in Mr. Shucayb uu u gudbiyay gudida imtixaanaadka shahaado uu soo macmalay uu gudoomiyaha imtixaanaadku ka caawiyay arintaas sababtana waxaa lagu sheegay in wiil uu dhalay gudoomiyaha gudida imtixaanaadka Mr. Daauud uu ka sharaxanyahay isla xisbiga UCID ee Shucayb ka sharaxanyahay, taas oo keentay in ay Shucayb iyo Daauud isla gaadhaan in la isu fududeeyo hawlaha.

Mr. Daauud waxaa uu siiyay Shucayb tilmaamo ay tahay in uu raaco si aan cid kale ugu qabsan shahaadada foojariga ah. Shucayb waxaa uu qaaday talaabooyinkii oo ay ugu horeysay in uu maxkamada shahaadada kasoo cadeeyo isaga oo adeegsanaya garsooreyaal. Waxaa uuna kaxaystay laba arday oo ay isku fasal ahaayeen kuwaas oo uu ku yidhi iigu dhaarta uun in aynu isku fasal ahayn.

Markii inamadii ku dhaarteen intaas ayaa waxaa dhacday in garsoorihii Shucayb laaluushay uu diyaaro qoraal aan inamadii la dhaariyay ka war ogayn oo nuxurkiisu ahaa in inamadaa ay wadagaleen imtixaankii dugsiga sarre isla markaana uu baasay oo sidaa ku dhamaystay dugsigii sarre.
Waxaa kale oo dhacday in Shucayb uu qadar lacaga siiyay warqadna ka qortay wiil uu dhalay maamulihii hore ee dugsiga Alfurqaan Sh. C/laahi Cabdi Cali taas oo uu yarkaasi ugu sexeexay magaca maamulaha dugsiga Alfurqaan. Labadaas qoraal ayuu Shucayb u gudbiyay gudoomiye Daauud.

Hadaba labada dhacdo ee ta maxkamada iyo tan dugsiga furqaanba waxa aanu ku samaynay daba gal waxaana noo cadaatay:
1. In aanuu Shucayb ka bixin dugsigaas shahaadadaasina ay tahay foorjari. Numberka shihaadaduna waa shahaado uu lahaa arday kale oo laga badalay magiciisii laguna qoray magaca Shucayb.
2. In aanay sharci ahayn in uu maxkamada kasoo qaato qoraalkaas maadaama oo anay jirin cid dhinac ka ah dacwadaas oo kaliftay in qaraar maxkamadeed lasoo saaro.

Arintani waxaa ay fadeexad ku tahay nidaamka Somaliland iyo gaar ahaan dugsiga Al Furqaan oo ay arintani saamayn taban ku yeelanayso mustaqbalka ardayda ka baxda iyo kuwii hore uga baxay. Hadii aanay si cad ugu soo bandhigin bulshada reer Somaliland xaqiiqada warkan.
Waxaa kale oo jira borobagaando ay faafinayaan dad ka agdhaw Shucayb oo baraha bulshada ku faafinaya aflagaado ay u gaysanayaan ciidanka baadhista ee Somaliland iyaga oo ka indha qarsanaya faldambiyeedka uu shucayb gaystay iyo xaqa ay u leeyihiin in ay baadhaan ciidanka boolisku ka dib markii ay u ashkatoodeen ciidamada qaar ka mid ah murashaxiinta ay ku tartamayaan Shucayb xilka loo tartamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here