Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Ceerigaabo Oo Kormeeray Xabsiga Dhexe’ Saldhigyada Iyo Goobaha Shifooyinka Magaalada Ceerigaabo

0
74

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Ceerigaabo Maxamed Axmed Olol Ayaa  Kormeeray Xabsiga Dhexe’ Saldhigyada Iyo Goobaha Shifooyinka Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo(Saaxilonline.com)Taliye Qaybeedka Ciidanka Bada Gobolka Sanaag, Taliyaha Saldhiga Dhexe Ee Degmada Ceerigaabo Iyo Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Dhexe, Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo Oo Uu Wehelinayo Taliyaha Ciidanka iLaalada Maxkamadda Ayaa Si Qoto Dheer Isula Meel Dhigay Inay Ka Wada Shaqeeyaan Danta Cadaalada, Oo Uu Masuul Kasta Uu Guto Masuuliyada Iyo Waajibaadka Sharci Ee Kaga Aadan Dacwadaha Noocyadooda Kala Duwan, Iyo Fulinta Amarada Maxkamadda Degmada Kasoo Baxa,

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Ceerigaabo Iyo Masuuliyiinta Kor Ku Xusan Ayaa Arinkaas Ka Wada Hadlay, Iyadoo Laysla Waafaqay In Dantii Cadaalada Aan La Gaadhin iLaa Xukunada, Go’aanada, Qaraarada Iyo Xayiraadaha Maxkamadda Kasoo Baxa La Fuliyo, Waxaanna Kulankaas Kasoo Baxay Qodobadan Hoose:-
1. Amarada Yeedhmooyin Ee Ku Saabsan Ciidamada Laga Soo Dacweeyo Maxkamadda Degmada
B. In Lagu Horkeeno Maxkamadda Muddada Sharci Ee Qoraaladaas Ku Cad, Lana Dhaqan Geliyo Dalabyadaas Sharci Ee Ku Cad Qodobka 103 XHM,
T. In Muddada Geedi Socodka Gar-Maqalka Ay Dacwadu Ka Socoto MaxkWaa In Fadhi Kasta Oo Maxkamaddu U Fadhiisanayso Aanay Xubnaha Ciidamada Ee Dacwadahaas Dhinaca Ka Ahi Aanay Kusoo Lebisan Dirayska Ciidanka, Taasoo Qayb Wayn Ka Ah Helida Cadaalada Iyo iLaalinta Xuquuqda Sinaanta Dhinacyada, Taasoo Uu Waajibinayo Qodobka 8 aad Ee Dastuurka Jsl, iLaa Dacwaduhu Ka Dhamaanayaan Oo Fulinta Xukunadaas La Dhaqan Geliyo.
2. Dhaqan Gelinta Fulinta Amarada Soo Qabasho (Warrant) Ee Maxkamadda Kasoo Baxa, Si Eedaysanayaasha, Denbiilayaasha, Dacwaysanayaasha Amardiidada Cad Gaystay, Iyo Lagu Fuliyayaasha Ah Ee Xuquuqda Lagu Xukumey Loo Horkeeno Isla Maxkamadda, Taasoo Ku Cad Qodobada 42, 43, 44 XHC, Iyo 308 XHM.
3. Dhaqan Gelinta Amarada Xayiraadaha La Xidhiidha Dhaxalka Iyo Xuquuqda Ma Guurtada Ah Ee Dacwadohoodu Ka Socdaan Isla Maxkamadda Degmada Ceerigaabo Ee Ku Cad Qodobada 294 Iyo 295 XHM, iLaa Xuquuqdaas Laga Fulinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here