Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka qayb-galay dufcadii 8aad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Gollis faraceeda magaaladda Berbera.
Ardayda qalinjebisay maanta oo dhamayd 141 arday ayaa Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu halkaasi ku guddoonsiiyay Shahaadooyin iyo abaal-marino kale.