SHIRKADDA DP WORLD OO RAASHIN U QAYBINAYSA 9,000 QOYS REER SOMALILAND AH .

0
273

Berbera (Saaxilonline.com)- Berbera, DP World 11 May 2020
Bilaabashada bisha barakeysan ee Ramadaan darteed, Shirkadda DP World Berbera waxay
qorsheysey raashin qaybin ay samaysay abid tii ugu balaadhnayd oo ay ka fulinayso dhammaan
gobolada Soomalialnd, raashinkaasoo la gaadhsiin doono 9,000 oo qoys. Rashinka ay DP
Woorld Berbera qorsheysay in ay qaybiso sanadkani waxa uu aad uga badan yahay kuwii ay
horey uqaybisay, waxaana loogu talo galay sannadkan in raashin qaybinta shirkaddu wada
gaadho qoysaska baahan ee dhamman dalka. Shirkaddu waxay raashin qaybinta bilowday
maalintii Axaddii ee 26kii bisha Abriil ee Sanadkan 2020, waxaan la filayaa in ay raashin
qaybintu qaadato ku dhawaad toban maalmood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u magacaabay Feysal Cali, guddoomiyaha guddiga
abaaraha heer qaran, isku xidhka iyo in uu maamulka iyo shaqaalaha shirkadda DP World
Berbera kal shaqeeyo fulinta qorshaha raashin qaybinta .
Fulinta raashin qaybinta ayaa hadda ka socota goobaha ugu dadka badan ee ku baahsan min
ceergaabo oo bariga dalka ilaa Boorama oo Galbeedka ah, kuwaasi oo ay ku jiraan
magaalooyinka Laascaanood, Caynabo, Burco, Gabiley, Saylac, Berbera iyo caasimadda
Hargeysa.
Madaxa shirkadda DP World Berbera, Supachai Wattanaveerachai, wuxuu yidhi: “Shirkadda
DP World, anagoo kaashanayna Xaruntayada Dubai, waxaan usbuucyadii la soo dhaafay si aan
kala go’ lahayn ugu shaqeyneynay, sidii aan Somaliland uga taageeri lahayn cudurka COVID-19
oo saamynta ba’an ku yeeshay dhammaan aduunyada maanta.. Waxaan u fidinay hawo-
mareyaasha deg-degga ah, qalab ilaalin shaqaalaha caafimaadka, daawooyinka muhiimka ah iyo
xirmooyinka qalabka iska hubinta cudurka ah. Intaa waxaa sii dheer in, anagoo si taxaddar leh u
ilaalinayna badqabka shaqaalahayaga, aan xaqiijino in si bilaa turxaan ah ay badeecadaha
daruuriga ah ka soo dagaan, uga dhoofaan Dekedda markasta iyo meelkasta oo looga baahdo”
Soonka bisha Ramadaan waa waajib saaran dhammaan muslimiinta qaan gaadhka ah. Soonku
waxa uu waajibiyaa in maalinkii laga fogaado ama la joojiyo waxyaabaha ay ka mid ka yihiin
cuntada, biyaha iyo sigaarka inta lagu jiro saacadaha maalintii. Raashin aan qaybinayno waa
raashinka ay ubaahan yihiin qoysasku si ay ugu aftirtaan .Raashinka waxa qayb ka ah Timir, oo
iyadu ah mida ay islaamku dhaqan u leeyihiin in ay ku aftirtaan
Maamulaha guud, Wattanaveerachai wuxuu intaa ku sii daray : “iyadoo ku salaysan qorshaha
guud ee lamacaamilka bulshada ee shirkadda DP World, barnaamijkan gaar ka ah ee aan
raashinka ku qaybinayno inta lagu gudajiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxa uu noo
saamaxayaa inaan gaarno dhammaan gobollada Somaliland, oo aanan ku koobnaan bulshada
Berbera ee degaanka aan ka hawl galno . Dhamaan bulshadeena ku dhaqan Somaliland waxay
mudan yihiin taageero joogta ah, maadaama ay dhammaantood door muhiim ah ka ciyaaraan
horumarka dalka.
Dhibaatooyinka caafimaad ee hadda jiraa waxay adkeeyeen xaaladaha nololeed ee xiliga, iyo
anagoo xoojinayna tallaabooyinka taxaddarka ee loo baahan yahay si looga gaashaanto
aafooyinkaasina waxaan bishan ramadaan qorsheynay raashin qaybintan.
Ramadaantu waxa ay dhammanteen fursad inoo siinaysaa in aan ku xidhnaano qoysaskeenna
oo wada afurno, anagoo hadana ilaalinayna talaabooyinka kala fogeynta bulsheed, iyo inaan
ka fikirno kuwa laga yaabo in xaaladooda nololeed inaga sii liidato. ”
–Dhammaad—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here