Agaasimaha Baanka Dhexe oo Sheegay Tallaabo ay ka Qaadayaan Shirkado Sharci Darro ah oo Doolarka Moobilka La Isugu Diro

0
475

Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ka qaadayaan shirkadaha isgaadhsiinta ee Golis iyo Hormuud oo si sharci darro ah uga shaqeeya Somaliland, isla markaana la isugu diro lacagta Doolarka kaadhkooda oo sharci darro ah.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in hannaanka baanka dhexe ku shaaciyo maalin kasta qiimaha sarrifka isku bedelka lacagaha, in ay tallaabadaasi wax wayn ka tartay la socodka qiimaha Doolarka iyo shillinka Somaliland oo qofkastaaba uu xog ogaal u noqday, isla markaana wax aad u yar oo aan suuqa waxyeelo ku keenaynin u dhexeeyo.

Waxaaanu ku bogaadiyay shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL sida wanaagsan ee ay u hir geliyeen go’aankii dawladdu soo saartay ee isticmaalka shillinka Somaliland ee mobilka la isugu diro.

Waxaa kale oo uu farriin adag u diray Dugsiyada, Jaamacadaha iyo shirkadaha laydhka oo uu faray in ay dadka ka qaadaan lacagta shillinka Somaliland.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Agaasimaha guud oo ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay muddaddii ay xilka hayeen, ayaa yidhi. “Waxa ugu wayn ee baanka dhexe uu masuulka ka yahay waa lacagta xaddigeeda qiimaha lacagta sarrifka, lacagta dawladda oo ku soo xeroota baanka, markaa baanku waxa ugu wayn ee uu iibiyaa waa lacagta shillinka Somaliland oo uu qaranka masuul uga yahay, markaa masuuliyaddaa shillinka naga saaran ee ah in aanu duruufaha uu ku jiro aanu hagaajino oo qiimihiisa kor u qaadno oo tiisa googo’da aanu xarayno, ayaanu ka hawl galnay, waxaanu xilka la wareegnay iyadoo shillinka Somaliland aan wax badan lagu iibsan oo dadku Doolar wada isticmaalayaan oo dadku aanay lacagtoodaba waxba ku falin. Waxaana jiray amar xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay ka soo saartay isticmaalka lacagta doolarka ah ee Mobilka la isugu diro oo la go’aamiyay in boqol Doolar wax ka yar aan lagu isticmaali karin Doolar, isla markaana waxaa shirkadaha la faray in ay hir geliyaan in dadku shillinka Somaliland ku isticmaalaan lacagaha mobilka la isugu gudbiyo. Markaa amarkaas oo jira ayaanu xilka la wareegnay, waxaanu samaynay dabagal ballaadhan iyo u kuur gal iyo ka shaqaysiinta amarkaasi siduu u shaqayn lahaa, waxaanan ku dedaalnay in qiimihii doolarka oo xadka ka baxsanaa in aanu hoos u dhigno oo shillinka qaranku kor u koco, taas oo meel fiican noo maraysa oo markaad dib u eegto halkii uu marayay. Markaanu nimi wuxuu ahaa hal milyan iyo dheeraad boqolka Doolar, imikana wuxuu marayaa siddeed boqol iyo waxyar, markaa waxaa halkaa kaaga muuqanaysa in qiimihii doolarkuna uu hoos u dhacay shillinkii dalkuna uu kor u kacay, taasina waa waxqabad wayn oo qaranka u soo hoyday, waxay cabashada ugu wayni ay ahayd sicir barar ka jira dhanka sarrifka Doolarka, taana wax badan ayaan ka qabanay annaga oo fulinayna siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ah in shillinka Somaliland qiime yeesho oo wax lagu iibsado.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay. “Markaa waxaa batay isticmaalkii shillinka Somaliland oo waxaa hoos u dhacay isticmaalkii Doolarka, taasina waxay qiimo u yeeshay shillinkeena, waxaanay muhiimaddu ay tahay in aynu ogaano in Doolarka waxa keliya ee aynu uga baahanahay in ay tahay in aynu dibedda wax kaga soo iibsano iyo in aynu shirkado dibedda ah wax kaga dalbano, laakiin dalka gudihiisa in aynu doolar wax ku kala iibsano wax inagu kelifayaa ma jirto. Dal kastaba waxaa wax lagu kala iibsadaa oo la isticmaalaa lacagtiisa, lacagta adagna dibedda ayaa wax lagaga dalbadabaa, markaa sidaa ay maanta dadku u fahmeen in aynu shillinkeena isticmaalo oo wax ku kala iibsano ayaa ahayd wax loo baahan yahay, taana dadku hadda way nala fahmeen oo way aamineen shillinka qaranka Somaliland.

Waxaa jira wali meelo ay dhibaato ka haysato dadka, kuwaasi oo Doolar ka doonaya dadka, kuwaana waan uga digaynaa in ay dadka Doolar waydiiyaan, waxaana ka mid ah Isguulada, Jaamacadaha iyo shirkadaha laydhka oo aanu leenahay dadka shillinka Somaliland wax kaga iibiya oo ka qaata oo ka daaya doolarka aad waydiinaysaan. Cidkasta oo baal marta sharciga oo Doolar dadka ku dirqida tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, dadweynahana waxaan u sheegaynaa in ay shillinkooda wax ku iibsadaan oo aanay dalkooda ajaanib ku noqon lacag shisheeye sita.”

Agaasimaha oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay hoos u dhaca qiimaha Doolarka iyo wali maceesahda halkeedii taagan, ayaa yidhi. “Waxaan aad ula soconaynaa sida ay ganacsatadu dadka wax uga ibiyaan annagoo dhiiri gelin wanaagsna siin doona ganacsatada la jaan qaada qiimaha sarrifka ee badeecadda ay iibiyaan ku saleeya sarrifka suuqa, waxaa kale oo jirta in wixii jumladda ahaa ee Doolarka lagu iibinayay in ay waafaqsan yihiin qiimaha suuqa intooda badani, inkasta oo ay dhici karto in ganacsatada qaarkood ay Doolarka ku kordhiyaan alaabooyinka qaarkood, taana waan ka hawl galaynaa, waxaa kale oo jirta in wali alaabtii tafaariiqda ahayd in aan wali wax badani iska bedelin, waxaanay ahayd in illaa nafarka hudheelka laga cunayo in uu is bedel ku yimaado, taana qorsheyaal badan ayaan wadnaa waxaanan kulamo la yeelanay culimada dalka oo aanu doonayno in ay dadka ganacsatada ah masaajidada ka wacyi geliyaan oo ay ku booriyaan in ay dadkooda u naxariistaan oo ay qiimaha sarifku marayo wax kaga iibiyaan.

Waxa kale oo aanu wadnaa qiimayn iyo daraasad ballaadhan oo aanu ku samayn doono suuqyada dalka, isla markaaana aanu ku dhiiri glin doono ganacadaha dadkiisa u naxariista ee u hoggaansama sarrifka suuqa, dadka alaabta u jabiya kaas, oo aanu suuq gayntiisa anaguna ka qayb qaadan doono una sheegi doono ganacsadaha alaabta jaban dadka ka iibinaya.”

Agaasimaha guud oo wax laga waydiiyay cidda u hoogaansami wayda qiimaha sarrifka ee baanka dhexe soo saaro tallaabada ay ka qaadayaan, ayaa yidhi. “Horta ma jiro illaa imika cid aan u hoggaansamin qiimaha baanka dhexe soo saaro, waxaa keliya oo jira wax yar oo aan badnayn oo noo dhexeeya suuqa iyo sarrifka aanu shaacino, taana waxaa sahlay oo suura galiyay maarkii aanu dadka qiimaha sarrifka maalinle ugu dirnay iyadoo dadkeenu ay ku wacan yihiin isticmaalka mobilka, waxay si shaqsi shaqsi ah ula socdaan inta maalin kasta uu sarrifku marayo, markaa dadkii lama khiyaamayn karo, laakiin waxaan halkan uga faa’iidaysanayaa oo aan dadkana uga digayaa waa laba shirkadood oo tuugo ah oo sharci darro ah oo kala ah Golis iyo Hormood oo kaadhkooda laga diro lacag Doolar ah oo sharci darro ah, dad badan waan ka xidhnay, inta kalena waan ka xidhaynaa, ganacsatadana waan uga digaynaa, waxaanan u sheegaynaa in labadaa shirkadood ay sharci darro yihiin, isla markaana aanay ka shaqayn karin dalka lacagna lagu kaydsan karin.”

Agaasimaha guud oo ka hadlayay baan caalami ah oo ay heshiin la galeen, isla markaana ay siiyeen ruqsad uu dalka kaga hawl gali karo, ayaa yidhi. “Amal Bank waa baan caalami ah oo noo yimi, isla markaana aanu eegnay siduu u shaqeeyo, waxaanu buuxiyay shuruudihii baan lagaga furan lahaa Somaliland oo kala ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba, taas oo ah shaqo ka mid ah shaqooyinka baanka dhexe u qaabilsan yahay qaranka Somaliland oo ah in uu hubiyo baanka dalka imanaya sharciyaddiisa iyo sida uu u buuxiyo shuruudaha qaranku ka rabo, waxaa kale oo iyana muhiim ah wuxuu dalka ku soo kordhinayo, waxaanay sheegeen in ay soo kordhinayaan arrimo badan oo aan hadda ka jirin Somaliland oo ay ka mid tahay tababarada ganacsiga, maalgalinta ganacsiyada kala duwan iyo kor u qaadista shaqo abuurka dalka oo ay caddeeyeen in ay qayb wayn ka qaadanayaan.”

Ugu dambayn waxaa uu agaasimaha guud u soo jeediyay bulshada Somaliland in ay noqdaan dad muwaadiniin ah oo aamina lacagta dalka ee Shiilinka Somaliland oo ay wax ku iibsadaan waxaanu yidhi. “Dunida ma jiro qaran lacagtiisu qariib ku dhex noqoto dadkiisa, markaa qofku wuxuu muwaadin yahay hadba inta uu isticmaalo shillinkiisa, dardaarankayguna wuxuu yahay muwaadin isticmaal lacagta shillinka Somaliland oo qiimee lacagta dalkaaga aad qiimo yeelatid e.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Banka dhexe ee Somaliland oo waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here