ABUBAKAR AL BAGHDADI: QAABKII UU U DHACAY HAWLGALKII LAGU DILAY

0
347

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maalin kahor shaaciyay in hoggaamiyihii kooxda ISIS, lagu dilay hawlgal milatari oo ciidanka Mareykanka ay ka sameyeen woqooyi galbeed Suuriya.

Madaxweyne Trump oo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa fahfaahiyay qaabkii uu u dhacay hawlgalka lagu dilay Al Baghdadi.

Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in ay ku raad joogeen Baghdadi in muddo ah, waxaana Madaxweyne Trump uu sheegay in hawgalkaas uu ku qaatay laba saac, oo ciidanka ay weerareen dhismaha uu ku noolaa Abubakar.

Abuu Bakar Al-Baqdaadi ayaa is isku qarxiyay jaakaddii uu xirnaa oo ay ku rakibnaayeen walxaha qarxa, ka dib markii ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay uga daba galeen god uu ku cararay.

Sidee haddaba weerarka uu u dhacay?

.
Image captionTrump iyo saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa toos u daawanayay hawlgalka

Hawgalkan oo billawday shantii galabnimo ee Sabtidii aynu soo dhafnay aya sideed helikobtar oo ah diyaaradaha sida qumaatiga u kaca oo ay saarnaayeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka oo ay kamid yihiin unuga Delta ayaa waxaa ay ku dul duuleen dhul uu Madaxwyene Trump sheegay in uu yahay khatar oo ku yaalla waqooyi bari dalka Suuriya, iyagoona ku sii jeeday halka lagu sheegay Al Baghdadi.

Sidoo kale hawlgalka ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen diyaarado kale iyo maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo ku sugnaa bariga dhexe.

Ciidanka hawgalka sameeyay ayaa Trump uu sheegay in ay joogeen saldhigyo kala duwan oo Mareykanka uu ku leeyahay gobolka.

“Diyaaradaheena waxa ku duulayeen jog hoose iyo xawaare sare in meesha la tago lagana soo baxo waxay ahayd arrin khatar ah oo kamid ahayd hawgalka”, ayuu yiri Trump.

Intii ay diyaaradaha ku sii socdeen hawlgalka ayaa waxa uu Trump sheegay in ay la kulmeen xoogaa iska cabin, hasayeeshee diyaaradaha Mareykanka ayuu Madaxweynaha sheegay in ay baab’iyeen khatartaas.

Markii ay ciidammada Mareykanka yimaadeen gurigii uu ku sugnaa Abubakar Al Baghdadi, waxaa ay jebiyeen derbiga halkii uu degenaa, si ay uga wecdaan qaraxyo iyo iska cabin ay kala kulmi lahaayeen albaabka hore oo ay ka baqayeen in ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha kooxda ISIS.

Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in ay halkaas ku dileen “tira badan ” oo dagaalamayaasha ISIS, kuwaas oo ilaalinayay Abubakar, iyagoon wax dhib ah uusan soo gaarin ciidammada Mareykanka, sida uu sheegay Trump.

.
Image captionAl Baghdadi

Ugu yaraan laba kamid ah dagaalamayaasha kooxda ISIS iyo 11 carruur ah ayay ciidamada Mareykanka shegeen in ay gacanta ku dhigeen, waxaana sidoo kale hawlgalka lagu dilay laba xaas oo uu qabay Al Baghdadi, kuwaas oo jaakadihii ay qabeen aysan qarxin.

Al Baghdadi, oo markii ay ciidmaada gudaha usoo galeen ku cararay god dhulka hoostiisa ayaa waxaa uu horay u ka xeysaty saddex caruur ah, oo dhintay markii uu is qarxiyay.

“Wuxuu tegay halkii ugu dambeesay ee godka, waxaana eryanayay eeyda, waxaa uu qaraxiyay jaakadii uu xirnaa, waxaana halkaas sidoo kale ku dhintay saddexdii caruur iyo isaga, jirkiisa waxaa gogooyay qaraxa,” ayuu raaciyay Trump oo fahfaahinayay qaabkii uu u dhintay Al Baghdadi.

Baaritaan dhanka hide sidaha oo ay sameyeen Mareykanka ayaa la sheegay in lagu xaqiijiyay dhimashadiisa, waxaana telefishenka CNN uu ku soo warramay in askarta Mareykanka ay horay usoo qaateen haraadiga jirkiisa.

Madaxweyne Trump waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen qalab iyo macluumaad kala duwan oo ay ka heleen halkii ay hawlgalka ka samaeyeen, kuwaa oo uu sheegay in ay tilmaamayaan qorsheyaasha u degsan kooxda.

“Hawlgalkii wuxuu ahaa mid guuleystay, oo ciidankeena waan la baxnay, waxaana inaga dhaawcmay laba askari oo uu soo gaaray dhaawac fudud, balse guul ayuu kusoo dhamaday,”sidaas waxaa telefishenka CNN u sheegay wasiirka gaashaandhiga ee Mareykanka, Esper.

Sidee lagu ogaaday halka uu joogo Al Baghdadi?

.
Image captionAl Baghdadi ayaa asaasay ISIS

Baghdadi ayaa la sheegay in dhaqdhaqaaqiisa ay la socdeen Mareykanka, oo dhowr jeer oo hore ay sidoo kale shegeen in ay baajiyeen qorshe ay doonayeen in ay ku khaarajiyaan.

Mazloum Cabdi, oo ah taliyaha ciidamada Kurdiyiinta Suuriya ayaa bartiisa Twitter ka ku qoray in sirta la xiriirta hawlgalka Al Baghdadi uu bilawday shan bilood kahor.

CIA-da ayaa ugu dambeyntii oggaatay halka uu ku sugan yahay Baghdadi, kuwaas oo markii dambe la wadaagay taliska ciidammada Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka iyo ku xigeenkiisa ayaa toddobaad ka hor loo sheegay halka uu ku sugan yahay Baghdadi, kuwaas oo ogaaday dhismaha uu ku sugan yahay.

“Waxaan wax ka ogeyn halka uu u socda iyo halka uu joogo, waxaan ka heysanay maclumaad wanaagsan, ugu dambeynna waxaan ogaanay halka uu joogo, ” ayuu intaa ku daray Trump.

Amarkii uu bixiyay Trump

.
Image captionMadaxweyne Trump ayaa bixiyay amarkii lagu dilay Abubakar Al Baghdadi.

Madaxweyne Trump oo toos u daawanayay qaabka hawlgalka loo fulinayay ayaa bixiyay amarka lagu dilay Abubakar Al Baghdadi, waxaana sidoo kale halkaas ku wehliyay Madaxweyne ku xigeenka, Pence, wasiirka gaashaandhiga, Esper iyo taliyaha ciidamada Mareykanka, Mark Milley.

Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu sheegay in hawlgalka uu u daawanayay sidii aflaanti oo kale.

Hawglgaka ayaa sidoo kale waxaa wax ka ogaa agaasimaha CIA-da, Esper iyo madaxada hay’adda qaran ee sirdoonka Mareykanka, Joe Maguire.

Saacadu markay ahayd 9:23 fiidnimo, Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter ku qoray “In arrin weyn ay dhacday”, taas oo dad badan ay moodeen in uu ula jeedo ciyaarta baseball oo ka dhaceesay meel aan ka fogeyn Aqalka Cad ee Mareykanka.

Donald Trumpa ayaa sidoo kale u mahadceliyay dalalka Ruushka iyo Turkiga, oo uu sheegay in lagu wargeliyo hawlgalka, isagoona sheegay in ay adeegsadeen hawada qaar kamid ah goobaha ay maamulaan dalalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here