Cidii aanu Xumad ku Aragno, Waxanu Usoo Gudbinaa, Isu-duwaha Caafimaad Saaxil,.Waxaan halkan ka Boggaadinaya Guddida heer qaran ee ka Hortaga Covid-19 oo iyaggu Heegan guud oo buuxa ugu jira,,Maareeyaha Dekedaha S/land Siciid Xasan Cabdilahi.

0
368

“Cidii aanu Xumad ku Aragno, Waxanu Usoo Gudbinaa, Isu-duwaha Caafimaad Saaxil, Waxaan halkan ka Boggaadinaya Guddida heer qaran ee ka Hortaga Coronavirus, oo iyaggu Heegan guud oo buuxa ugu jira la dagaalanka Covid-19”.Maareeyaha Dekedaha S/land Siciid Xasan Cabdilahi.

Hargeysa(Saaxilonline.com)- Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo maanta ka Hadlaayey kulan-kormeer Wasiirka Warfaafinta Somaliland, oo ka tirsan guddida Heer qaran ee la dagaalanka Coronavirus Md. Saleebaan Cali Koore, ku yimi Magaalada Berbera, ayaa ka Hadlay habka ay ula dagaalamaan Xanuunka Covid19 Deked ahaan.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland, waxa uu sheegay inay taxader badan ka galeen  la dagaalanka Coronavirus, maadaama oo Dekeda Berbera tahay meel ay ka hawlgalan shaqaale badani.
Maareeyaha Dekedaha oo arrimaha sharaxaya waxa uu yidhi,
“Anagga ka Deked ahaan, waa mid yar, tirada laga helay, marka loo eeggo numberka shaqaale-weynaha Dekeda Berbera oo ah mid badan.
Waxanu kula dagaalana qalabka, cidna Dekeda masoo gasho, ilaayo aanu baadhno mooyaane. Cidii aanu xumad ku aragno, waxanu usoo gudbinaa, wasaarada Caafimaadka qaybteeda Saaxil, run ahaantii Gobolka Saaxil waxa uu sameeyey dedaal badan, oo u kaga Hor-tagaayo Coronavirus iyo Wacyigelin buuxda oo aan loo kala hadhin.
Waxa kaloo, aan halkan si weyn ugu bogaadinayaa Guddida ganacsatada agabka ay kusoo kordhiyeen, taasina waxay ku tusaysaa in cid kastaaba dedaalayso.
Ugu danbayntii waxaan halkan ka boggaadinaya Guddida heer qaran ee ka Hortaga Coronavirus, oo iyaggu heegan guud oo buuxa ugu jira la dagaalanka masiibada Coronavirus, waxay hayaan shaqo baaxad leh, oo weliba culayskeeda wadata Alle Haku garab-galo”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here