Komishanka Xakamaynta AIDS Ka Iyo Kulanka Culimada Somaliand

0
231

Hargeysa(Saaxilonline) Komishinka Xakamaynta HIV/AIDS Ayaa Kulankii Sanadlah La Qaatay Culimada Somaliland Kulankan ayaa Sanadkii Halmar ay Komishinka Iyo Culimadu Isku Xogwaraystaan, Kuna Lafo guraan Saamaynta Xanuunka HIV/AIDS Iyo Qorshayaashii Sanadkii Hore.

Ugu Horayn Waxaa Shirka Furay Agaasimaha Wacyi gelinta Komishinka Xakamaynta HIV/AIDS  Somaliland Mudane Muxayadiin Yuusuf Ibraahim oo Ka Waramay Ahmiyada Shirkan iyo masuuliyada Komishinku iyo khatarta , saamaynta u ku leeyahay Bulshada, Dawlad Ahaan Waxaa Naga Go’an In aanu Badbaadino Nafaha Shacabka Madama aanu Cudurkani aanu Lahayn Wax Dawo ah. waxaa u geesta kale si qoto dheer uga waramay Warbixin Daaha Ka Qaaday Xawaraha iyo Fidi taanka Cudurkan Halista Badan,moogananta Shacabka Taas Oo U Sheegay In Loo Bahan Yahay Si Wada Jira Looga Hawl Galo Komishan ahaan Iyo Culimo , agaasimuhu waxaa u culimada ugu baaqay in si weyn uga qayb qaatan madama ay yihiin hogaankii umada Cida shacabku loo bahan yahay in ay gaadhsiiso wacyi gelinta aad tihiin, Waxaanu Agaasimuhu Ugu Bushaareeyey Culimada Inuu Sanadkan Dhamaadkiisa Soo Bixi Doono Kitaab Su’aalo Farabadan Oo Dhinaca Caafimaadka ku Saabsan Cudurka HIV/AIDS Ay Ka Heli Doonan Si Ay Fariin Sax Ah Loo Gaadhsiiyo Dadka La Nool Xanuunka ,waxaanu ku adkeyey culimada in ay kaalin muuqata ka qaatan wacyi gelinta Bulshada Deegaanada ay joogan, Ugu Danbayn Waxaa Halkaasi Ka hadlay Sheekh Albani Oo Ku Hadlayey Afka Culimada Kana Waramay In aan Indhaha Laga Qarsan Karin Khatar Cudurkan Waxaanu Sheegay In ay Kaalintooda Ka soo Bixi Doonan Culimo ahaan Gaadhsiin Doonan Bulshada Kala Duwan Ee ay ka kala yimadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here