Dahabshiil Group Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqatay Tartanka Orodka Maradonka Somaliland

0
398

Hargaysa (SaaxilOnline): Shirkadda Dahabshiil Group ayaa abaal-marino lacageed oo kala duwan gudonsiisay dhalinyaradii ku guulaystay tartanka orodka Maradonka 42KM iyo 10KM ee Somaliland oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Tartankaasi oo ay qaban-qaabadiisa iska kaashadeen ururka Somaliland Maradon iyo wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shirkadda Dahabshiil Group qaybaheeda kala duwan ay si weyn uga dhex muuqdeen.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay tartankaasi oo ka dhacday garoonka Hargaysa Stadium waxaa shirkadda Dahabshiil uga qayb gashay Hibo Warsame, oo ka socotay shirkadda Dahabshiil Group gaar ahaana qaybta Hyndui Motors.

Waxaanay faahfaahin ka bixisay doorka ay qaateen Dahabshiil Group ahaan qabashadda tartankaasi iyo sababta ay markasta Dahabshiil uga dhex muuqato barnaamijyadda dhiirigelinta dhalinyaradda.

Waxaanay tidhi, “Haddii aanu nahay Dahabshiil Group, sababta aanu tartamadda dhiirigelinta dhalinyaradda u maalgelino waxay tahay, in sidan oo kale ay dhalinyaradu isugu timaado, in tartankii dib la isugu soo noqdo, oo la barto tartanku wuxuu yahay.

Dhalinyaradda reer Somaliland waxaan nahay, dad caan ku ah ka qayb galka tartamadda, jidhkoodu u dhisan yahay. Waxaan jeclaan lahaa in tartamadda aduunka lagu arko reer Somaliland Wiilal iyo gabdhoba, oo ordaya, oo ka qayb gelaya, oo weliba badinaya.

Sababaha aanu Dahabshiil Group ahaan u dhiiri gelino dhalinyaradda waxa weeye, in ay dhalinyaradeenu noqdaan, dhalinyaro tayo leh, oo dhalinyaradda aduunka la tartami karta in ay noqdaan”.

Geesta kale Hibo Warsame, waxay ka warbixisay qaybaha shirkadda Dahabshiil ee tartanka kaalinta ka qaatay iyo sidoo kale u jeedadda ay ka leeyihiin dadka ajaanibka ah ee ay ku soo casuumaan.

“Anagoo Dahabshiil Group ah, oo shirkadahayagii isku dhex jiraan. Dahabshiil Banka, xawaaladii, anigoo ka socda Hyndai iyo Dahabshiil Motors, Somtel, oo daawashadan tooska ah inoo suurto gelisay maanta (shalay), dhamaantayo waxaanu isugu nimid, sidii uu u suurto-geli lahaa tartankani.

Tartankan waxaa ka soo qayb galay 360 qof. Ilaa 330 qof, waa dadka reer Somaliland. 30 qof-na, waa ajaanib.

Ajaanibkaasi sababaha aanu u keenayna waxa weeye, dhiiri gelin in ay arkaan in wadankeena la ordi karro, in aan dib tartankeenan u soo ceshano”ayay tidhi Hibo Warsame.

Hibo Warsame, ayaa u mahad celisay wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo ururka Somaliland Maradon kaalinta ay ka qaateen qabashadda tartankaasi.

Waxaanay tidhi, “Waan u mahad naqaynaa ururka Somaliland Marathon oo tartamadan soo qaban-qaabisa. Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, iyo xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda aad baan ugu mahad naqaynaa”.

Dhinaca kale Orodyahanadii tartanka ka qayb galay ayaa ka kala socday goboladda Somaliland Sool, Sanaag, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Maroodijeex. Iyadoo tarantankaasi ay markii u horaysay ka qayb qaateen Gabdho.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaana Orodyahanadii kaalmaha hore galay gudoonsiisay midkiiba qadar lacageed. Iyadoo lagu wareejiyay Jeeg ay ku qoran tahay cadadka lacagta uu helay.

Waxaana qaybta 42-ka KM kaalinta koowaad galay Maxamed Xuseen Axmed, oo ku guulaystay lacag abaal-marin ah oo dhan 800$. Kana socday gobolka Awdal, kuna Ordayay magaca kooxda Gaashaan ee ciidanka qaranka Somaliland.

Kaalinta labaad waxaa galay Mustafe C/qaadir Maxamed, oo helay 500$, oo isna ka socday kooxda gaashaan ee ciidanka qaranka Somaliland. Kaalinta saddexaad waxaa galay C/laahi Aadan Faarax, oo helay lacag dhan 300$.

 

Sidoo kale qaybta labaad ee tartankaasi oo la ordayay 10KM, waxaa kaalinta koowaad galay Siciid Faarax Cumar, oo helay lacag dhan 600$. Kaalinta labaad waxaa galay C/qani Xaamud, oo ku ordayay magaca kooxda gaashaan. Kaalinta saddexaad waxaa galay Yaxye Maxamuud Ibraahim.

Taratnkani oo ay ka qaadaanayeen Gabdho, ku ordayay 10-ka KM, waxaa kaalinta koowaad gashay Hanna Mukhtaar C/laahi, oo heshay lacag dhan 600$.

Halka kaalinta labaad-na ay gashay Xamda Cabdi Daahir, oo ku guulaysatay lacag dhan 400$. Sidoo kale waxaa kaalinta saddexaad gashay Iido Ruush Carab.

 

SaaxilOnline.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here