XASAASI:-Telesom Oo U Xuubsibatay Curyaaminta Shirkada Wadaniga Ah Ee SomCable

0
252

Hargeisa(Saaxilonline) Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom oo beryihii ugu dambeeyay ku hawlanayd sidii ay u curyaaminlahayd shirkadda wadaniga ah ee Somcable ayaa aakhirkii ku guulaysatay  inay hagardaamayso shirkad ku caanbaxday inay gacan ka gaysato dhamaan arimaha khayriga ah sida Abaaraha,Duufaanada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah ka dib markii ay ku guulaysatay inay moshin xaaraana oo ay dabada ka riixaysay Telesom ku Bixisay dhaameel ay lacag gaadhaysa $2500 siisay xildhibaankiiba, Shirkada Telesom oo uu leeyahay ganacsade reer Muqdisho ah oo lagu magacaabo Ina Jimcaale ayaa waxa ay beladkeedii kula dagaalgashay shirkada wadaniga ah ee Somcable oo beryihii u dambeeyay uu tacab badani ka galay sidii ay bulshada u gaadhsiinlahayd internet Jaban oo dalka wada gaadha hada shirkada ajaanibka ah ee Telesom ee Ina Jimcaale leeyahay oo beryihii u dambeeyay ku hawlanayd sidii ay shilinka Umadda u dhiig miiranlahayd ka dib markii ay kordhisay xawaaraha ku hadalka oo ay miridhkiiba ka dhigtay nusmiridh si ay umadda u baadhato ayaa hadana u xuubsiibatay inay dhabarjabiso shirkadaha wadaniga ah ee u diir naxaysa dadkeeda. La soco Qaybaha dambe…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here