Hay’addii Shaqaalaha Dawladdu miyey waalatay? mise way soo wadataa?. W.Q: Xil Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

0
245

Hay’addii Shaqaalaha Dawladdu miyey waalatay? mise way soo wadataa?. W.Q: Xil Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

10kii cisho ee ugu danbaysay laba shaqaale bay ku dhawaaqday inay shaqadii ka eridey! Hawl yaraa shuqulku. labada shaqaale ee la eryey labada wasaaradood horumarinta maaliyadda iyo xanaanada xoolaha bay ka tirsan yihiin.
Hay’adda Shaqaaluhu, awel ma waxay u xilsaarnayd daryeelka shaqaalaha mise dibindaabyadiisa?
Cidda maanta duruufaha dhaqaale xumo, caafimaad xumo, ramadaan oo isbiirsaday qof shaqaale ah quuto yoomigi ka jaray maxaynnu ku magacawnaa? waa mid subxaan Alla!
Wuxu meel kaga dhacay xuquul insaankii aasaasiga ahaa ee shaqalaha. sumcadda qaranka Somaliland oo uu ka yeelayo xukuumadda aan u tudhayn dadkeeda nugul, magacii hayadda shaqaalaha oo u muuqda mid halkii ay u hiilin lahayd caadinaysa shaqaalaha.
Tallaabadan hay’addu waa mid sharci darro ah waana dastuur jebin, waana jebinta xeerka shaqaalaha dawladda (civil Service law) xeer lam. 7/96, cutubkiis7, qodobadiisa 25, 26 iyo 27 oo tilmaamaya anshax marinta qofka shaqaalaha ee khalad sameeya.
Anshax marinta waxa samayn kara Guddi sare oo heer qaran oo madaxweynu magacaabo oo 9 xubnood ka kooban ama Guddi heer wasaaradeed ah oo 3 xubnood ka kooban.
Ma cadda in gudiddaa heer wasaaradeed ay arrintan ka fadhiisteen. Xeerku sheegi maayo meel ay hay’adda shaqaaluhu ka soo gasho eriga iyo eedeynta qof shaqaale wasaaradeed ah.
Waxaad mooddaa inay hay’addii shaqaaluhu hayso shaqo xuuraan ah oo ku habboonaa hay’daha nabadgelyada.
Hay’adda shaqaluhu miyirkii ha soo ceshato, hana joojiso xuuraanka iyo cabsigelinta ay kula kacayso shaqaalaha masaakiinta ah ee waxay dawladda ka qaataanba aanay daboolin kirada guriga qofku deggan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here